Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa maanta lagu Aasay Wariye C/laahi Cismaan Macalin oo ka mid ahaa shaqaalaha TV-ga Jubbaland oo Isbitaalka Dhigfeer saqdii dhexe ee xalay ku geeryooday.
Wariye C/laahi ayaa u geeryooday dhaawac ka soo gaaray qarax ismiidaamin ah oo 10-kii bishaan ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Aaska Wariyaha ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee kunool Magaalada Muqdisho.
Qaraxii Axadii ina dhaaftay ka dhacay Maqaayad ku dhaw Koontaroolka Koowaad ee laga galo xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan ee ku taala Magaalada Baledweyne ayaa waxaa ku dhintay laba qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 9 qof oo ay ku jiraan Wariyeyaal ka howlgalayay magaaladaasi.