{WARSANRADIO}Haweenkani oo gaaraya ilaa 20 ruux ayaa todobaadkiiba waxay ka shaqeeyaan nadaafada guud ee degmada ,halka ilaa afarta maal mood ee kalena ay ku shaqeystaan gaari dameerada si nolosha qoysaskooda ay ugu maareeyaan dakhliga ka soo gala alaabaha ay qaadaan.
Haweenkani ka shaqeeya Nadaafada degmada Baardheere ayaa dhamaan tooda waxay ka soo kala jeedaan Qoysas danyar ah,waxaana horey loogu wareejiyey Qalabkii ay ugu shaqeyn lahaayeen Nadaafada degmada,kuwaasi oo isugu jirey.Gaari dameero,Gaari gacano,Fargeetooyin,yaambooyin,Masaaro,badiilo,haaqimo,Qalabka Caafimaadka iyo noocyo kale oo alaabo ah,kuwaasi oo ayan horey u haysanin Haweenka ka shaqeeya nadaafada deegaanka.
Xaliimo Xasan Cali waa Hooyo 53 sanno jir ah qoyskeeduna waxaa uu ka kooban yahay ilaa 7 ruux,waxayna gacanta ku haysaa oo muddo 10 sanno ka badan Xanuunsan Aabaha reerka iyo wiil kale oo ay dhashey,waxayna sheegtay bishii la soo dhaafey in ay bilowdey shaqooyinka Nadaafada iyo mida kale ee qoyskeeda ay ugu raadinayso nolol maal meedka.
‘”waxaan ka soo jeedaa qoys danyar ah oo aan helin karin nolol maal meedka ,tan iyo intii aan ka mid noqdey haweenkii lagu wareejiyey Gaari dameerada ee loogu tala galey xillina inaan ka shaqeyno nadaafada ,xillina aan soo saarano noloshena waxaan dareemaya isbedel xaga nolosha ah,Todobaadkii waxaan shaqeynaa 3 maalin oo nadaafada ah,4 maalina anaga ayaa shaqeysano lacagta aan soo saarto waxay u dhexaysaa 6$ ilaa 4$,inkastoo ayan nagu filneyn oo labo ruuxna ay igu xanuun san yahiin hadana waxaa ii suuro gashey in afar ka mid ah Caruurteyda aan geeyo waxbarashada hoose oo aan ka bixiyo lacagta bisha ee Iskuulka sidaasi waxaa tiri Xaliimo Xasan Cali oo ah Hooyo 53 sanno jir ah ..
Sidoo kale Muumino Ibraahin Cali waa Hooyo 49 sanno jir ah,waxayna degan tahay Xerada Barakacayaasha ee xabaal cadeey.waxayna ka mid tahay labaatan Haween ah oo dhowaan loo soo xuley in ay ka shaqeeyaan nadaafada deegaanka,xillina ay ku shaqeystaan gaari dameerada,waxay ii sheegtay in nolosheeda ay wax weyn iska bedeshay.
Haweenkani oo ku shaqeeya gaari dameerada ayaa gudaha magaalada waxay ka xamaashaan, xaabada,dhista,Khudaarta,balka iyo alaabaha kale ee bagaashka waxayna sheegeen in noloshooda ay wax weyn iska bedeshay