{WARSANRADIO}Tobaneeyo qof oo isugu jira Odayaal dhaqameed, Culimaa’udiin, Fanaaniin, wariyayaa iyo Abwaano ayaa ka qeybgalay iyadoo ay kala soo qeyb galeen Mudanayaal ka tirsan B.K.G.S iyo hogaamiyayaasha Bulshada rayidka.
Kulankan ayaa ahaa mid looga doodayay fahamka iyo hanaanka federaaliska isla markaana su’aalo lagu weydiinayay Xildhibaano ka tirsan B.K.G .S iyo qaar ka tirsan ururada bulshada rayidka ah si Bulshada ay u fahamto macnaha federaalaka oo inta bada Bulshada aysan ka haysan faham marka laga reebo magaca federaalka oo afka un ku eg.
Ururada bulshada rayidka qaarkood ayaa kulankaas ka hadlay iyagoo dul istaagay ka sheekayta federaalka iyo faa’idada uu u leeyahay bulshada haddii si fiican loo dhaqan galiyo oo la baro Bulshada federalka iyadoo loo samaynayo wacyi galin badan isla markaana la isticmaalayo Raadiyayaasha gudaha ee FMka ah kuwaasoo ay sheegeen in ay si sahlan u bari karaan Bulshada Hanaanka federaaliisamka.
Gudoomiye ku xigeenka Degmada Baydhabo Aadan Carab ayaa isaguna ka hadlay oo ka soo qayb galayaasha Kulanka u kor maray federaalka in uu yahay nidaam ku cusub Ummadda balse xusay in kulamada noocan oo kale ah ay yihiin kuwo kor u qaadaya fahamka Bulshada hanaanka federaalka.
Kulankan ayaa ku soo aaday xili uu magaalada baydhabo uu ka furmay madasha afaraad ee dib u eegista Dastuurka qabyo qoraalka ee Maamul goboleedyada Dalka kaasoo looga doodayo dhamaystirka dastuurka kaasoo qodobadiisa uu ka mid yahay nidaamka federaalka in laga dhaqan galiyo Dalka.