{WARSANRADIO}Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa Kamid Magaalooyinka sida weyn Looga Xusay Maalinta Biyaha Aduunka Iyadoona Munaasabada ay Soo Qaban Qaabisey Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale wasaaradda macdanta iyo biyaha koonfur galbeed waxa ka qeyb Galey Gudoomiyaasha Maamulka gobalka baay iyo kan Degmada Baydhabo, Wasiiro iyo Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada.
Munaasabadda waxa ugu horeyn ka hadley Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Tamarata iyo Biyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Maxamed Culow Asagoona Ka Hadlay ahmiyadda biyaha ay U leeyihiin Noole kasta.
Xuska Maalintan weyn kadib masuuliyiin wasaaradda macdanta iyo biyaha koonfur galbeed soomaaliya waxay booyado biyo gaarsiiyeen qaar kamid ah kaamamka barakacaaysha ee baydhabo.
Wasaaradda Macdanta iyo biyaha koonfur galbeed soomaaliya oo kaashanaysa shirkadaha biyaha ee ka howl-gala magaalada baydhabo Waxay dadaal ugu jirtaa sidii shacabka ay u heli lahaayeen biyo nadiif ah.
Hadaba dhageeyso coododkii maanta iyo Waziiradii kahadlan