Maamulka Dugsiga Hoose Dhexe Iyo Sare Ee Degmada Xudur Ee Xaruunta Gobolka Bakool Ayaa Maanta sheegey In Uu bilowdey imtixaanaadka Shahaadiga ah Ee Laga Qaado Ardeyda Sanadkan Ka baxaysa Dugsiga Sare Ee Xudur.
Ku dhawaad 30 Ardey Oo Isugu Jira Wiilal Iyo Gabdho ayaa Dhameystey Wax barashada Dugsiga Sare waxeyna Maanta u fariisten Imtixaanka Maadooyinka Ay Barteen.
Ardeyda Imtixaanka u fariisatey Degmada Xudur ayaa Si aad ah ugu Farxey maadama ay gaareen heerkii 1 aad ee wax barasha aas aasiga ahaa iyagoo alle ka Rajeeyey In Imtixaanka uu ku Kuguuleyo.
Iskuulka Sare Ee Degmada Xudur Ee Shodog Ayaan Sanadkan Waxaa Ka qalin badalaneya Ardeydii Ugu badneyd ee iskool kaasi uu soo Saaro.