{WARSANRADIO} Kulankii Golaha Iskaasiga Dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa ku soo gaba gaboobay magaalada baydhabo iyadoo ay warmurtiyeed ka soo saareen Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada ajandayaashii ay kaga wada hadleen shirkii uga socday Magaalada Baydhabo sedexdii maalmood ee la soo dhaafay.
Waxa war murtiyeedka aqriyay af-hayeenka Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.
War murtiyeedka ka soo baxay golaha iskaashiga dowlad Goboleedyada ayaa ah mid muujinaya in uu jiro madmadoow u dhexeeya madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, taasoo salka ku haysa Soomaaliya iyo halka ay ka istaagaysa khilaafka u dhexeeya Dowladaha khaliijka.