{WARSANRADIO} Qaar ka tirsan raggii ka soo qabyb galay halgankaas oo u soo horay naftooda ayaa munaasabadaas mar ay ka hadleen waxaa ay sheegeen in manta oo kale ay tahay maalin dhiig badan uu daatay kadib la gaaray xuriyaddan manta la heesto.
Xildhibaano Idiris Cabdi dhaqtar iyo xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale ayaa dhalinyaradii waxaa ay uga sheekeeyeen dhibaatooyinkii laga soo maray iyo aaskii RRA iyo guulaha manta la haysto in ay sabab u ahayd RRA.
Sanad walba manta oo kale ayaa la xusaastaa dadkii ku dhintay iyo waxqabadkii RRA taasoo sanadkii 1995tii lagu dhisay Tuulada Jafaay oo ku taala degmada Berdaale ee Gobolka Baay iyadoo 22kii December si rasmi ah loogu dhawaaqay sedexda xaraf ee RRA taasoo uu hindisay Allaha u naxariistee Prof. Muuse Ibraahim heeroow.