{WARSANRADIO}Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay weerar culus oo Aroornimadii hore ee saakay xoogagga Al-shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa maamul gobolleedka Jubbaland ku lahaayeen deegaanka Baar-Sanguuni oo Waqooyi ka xiga magaalada Kismaayo.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in ciidamada oo ka foojignaa weerarkan horey-na uga sii war hayay halkaa ku dileen sida uu hadalka u dhigay 87 dagaalyahan oo ka tirsan xoogagga Al-shabaab.
Weerarka ayuu sheegay in uu ku bilaawday labo Gaari oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa, iyadoo intaa kadib-na uu bilaawday iska horimaad toos ah oo dhaxmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.
Laakiin Al-shabaab dhinacooda waxaa ay sheegteen in weerarkaasi ay ku dileen 27 Askari oo ka tirsanaa ciidamadii ku sugnaa saldhiga la weeraray,
Wararkii ugu danbeeyay ee ka imaanaya deegaanka Baar-Sanguuni ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo rogaal celis ah u suurtagashay in ay dib ula wareegaan goobihii lagu dagaalamay.