Baydhabo Somaliya{WMN}-Dhoofinta Dhuxusha oo si Xowli ah ugu socota Kismaayo iyo Ciidamada Jubbaland Oo Xirey Hotel ku yaala kismaayo
Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/Hoose ayaa sheegay in Dekada weyn ee degmadaasi in uu ku xiran Markab weyn oo Xamuul ah,kaasi oo todobaadkii ee ugu dambeeyey lagu rarayey Dhuxul ka badan ilaa 250 kun oo Loor,markabkaasi oo ay u raran yahiin ganacsato deegaanka ah ayaa la sheegay inuu ku wajahan yahay Magaalada Dubai sida uu Warsan Radio u xaqiiyey mid ka mid ah Ganacsatada Kismaayo oo ka gaabsadey magaciisa.
Dhinaca kale Ciidamada nabad sugida maamulka Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in barqanimadii maanta ay gudaha u galeen Hotel ku yaalla gudaha magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Sida uu ku waramayo Ganacsadahan ay soo wari Ciidamada ayaa bililiqo xoogan kula dhaqaaqay Hoteelkaasi, iyaga oo horay u qaatay agab yiilay halkaasi.
Hoteelka Makka ayaa ka mid ah Hoteelada ugu caansan Kismaayo, iyadoona ay daganaayeen Shaqaale ajanabi,Qurbajoog iyo siyaasiyiin.
AXMED