Munaasabad lagu xusayay sanadguurada 64aad ee markii la sameeyay calanka Soomaaliyeed ayna soo qabanqaabisay Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka kala tirsan labada Gole ee Dowladda, Ururada dhallinyarada iyo qeybaha bulshada.
Khudbado kala duwan oo laga soo jeediyey dabaal dagga ayaa waxaa intooda badan looga hadlayey sidii loo weyneyn lahaa Calanka Soomaaliya, bulshaduna u dhowri laheyd sharafta uu ku fadhiyo.
Cismaan Cali Nuur Xaashi oo ah waayo arag sooyaalka taariikheed ee Soomaaliya waxbadan ka yaqaana oo lagu casuumay xuska ayaa ka sheekeyay cod bixintii lagu xushey calanka buluuga ah .
Wasiirku xigeenka Wasaraadda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Cabdirashiid Maxamuud iyo xildhibaan Cabdifataax Qaasim oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa si isku mida uga faaloodey ahmiyada calankeena buluuga ku fadhiyo.
Wasiirka Wasaarada dhallinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay muhiimad gaar ah maalinta xuskan loo asteeyey ay u leedahey guud ahaan bulshada ku hadasha afka Soomaaliga, waxeyna hambalyada maalintan Qaran salaan ay uga wakiil aheyd Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada hawada u marisay bulshada Soomaaliyeed.
Calanka buluuga ah ee xidigta dhexda ku leh ayaa waxaa Hindisay sanadki 1954 maanta oo kale Allaha u naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan, waxaana markaa laga wada taagey guud ahaan dhulka ay dagaan shanta Soomaaliya ee xiddigta calanka dhexda kaga taal u taagantahey