Diinsoor(WMN) Degmada diinsoor waxay ka mid tahay degmooyinka katirsan gobolka baay ee koonfur galbeed soomaaliya’ waxayna kamid tahay degmooyinka xiligaani ugodoonsan kooxda al shabaab oo dhibaato kuhayaan dadka ku nool degmada iyo degaanada kale.
Sanado gacanta ay kuhayeen degmada diinsoor kooxda al shabaab waxay galaafsadeen xaruumihii loogu adegaayay shacabka iyadoona maalin walba ay xukumi jireen dad degnaanka kunolaa’ iyadoo la ogyahay in dadka qaar ay iskaga tagi jireen degaanka kadib markii kooxda al shabaab dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah ay kala kulmeen.
Waxay baabi’iyeen xaruumihii ay ku shaqeynayeen hay’adihii degaanka ganacsatada’caafimaadka iyo waxbarashada iyadoo maclimiinta iskuulada ku yalaan degmada diinsoor ay la kulmi jireen jirdilo iyo hanjabaadyo taasi oo cabsi badan ku beertay maclimiinta iyo dadka kaleba.
Dhibaatooyinka dhanka maclimiinta ay geesteen kooxda al shabaab ayaa sameyn weyn ku yeelatay bulshada dhaxdeeda.
Dhalinyaro badan oo degaanka rajo kalahayeen degaanka ayaa waxay noqdeen kuwo rajo beeley iyo qaar iskaga tageen degaanka taasi oo sabab ah gumaadka iyo dhaqdhaqaaq aan ka jirin degaanka.
Dugsiga hoose dhaxe sare ee futuraxmaan oo kuyaala degmada diinsoor dhoor maclin oo wax kadhigi jireen iskuul kaasi ayaa waxay la kulmeen dhibaatooyin jir dil ah qaarkood ayaa afdoob lakulmeen maalmo kadib qoyskooda quusi ay kagareen nolol iyo geeri.
- Abdisalan Mohamud Ali.
- Mohamed Haji Hassan.
- Mohamed Siidow Aden.
- Mahamud Hussein Osman.
- Abdirahman Abdirahim Moalim.
Waxay kamid yihiin maclimiinta dhibaatooyinka ay u geesteen kooxda al shabaab iyagoo dhamaantooda maclimiin ka ahayeen Dugsiga hoose dhaxe sare ee futuraxmaan ee degmada diinsoor qaarkood markii ay afduubteen ayaa laga sabray.
Markii ay mudooyin kadib ay kazoo baxeen gacanta kooxda ay shabaab ayaa qaar iyaga kamid ah laga dhoofiyay oo waxaa loo xiray dharka dumarka cabsi laga qabo kooxda al shabaab in mar kale ay dhibateyaan.
(Abdirahman Abdirahim Moalim) oo kamid ahaa maclimiinta laga afduubtay Dugsiga hoose dhaxe sare ee futuraxmaan ee degmada diinsoor ayaa ah qofka sida aadka ah dhibaatada kooxda al shabaab u geesteen waxaana ay kuxukumeen dil.
Abdirahman Abdirahim Moalim oo kamid ahaa macalamiintii dhibaatada weyn ay u geesteen kooxda al shabaab ayaa afduubka kahor waxaa uu kunolaa nolol murugo ah taasi oo keentay hanjabaadyada loo soo marsiyo Qadka telephonka iyo Xaruntiisa iskuulka.
Abdirahman Abdirahim Moalim iyo qaar kale ayaa wali yihiin dadka u calamaysan kooxda al shabaab.
Kooxda al shabaab ayaa waxay weerar kusoo qadeen iskuulka hoose dhaxe sare ee futuraxmaan ee kuyaala degmada diinsoor ee gobolka baay 2014 07 waxayna kala baxeen oo ay ka afduubteen Abdirahman Abdirahim Moalim iyo qaar kamid ah macalamiin kale oo wax kadhigaan iskuulkaasi kuwaasi oo la adeen meelaha ay ku xirtaan dadka ay afduubtaan.
Sidaasi ay tahay Abdirahman Abdirahim Moalim iyo kuwii kale ayaa lagu waayay nolol iyo geeri meeshii lageeyay’ xiriri badan ay sameyeen qoysaskii ay ka dhasheen ayaa loo diiday in lasiyo jawaab ah halka lageeyay nolol iyo geeri waxa ay ku sugan yihiin taasi oo dhalisay in laga quusto.
Kooxda al shabaab ayaa wali dhibaatooyin kuhayaan shacabka soomaaliyeed gaar ahaan dadka ku nool degaanadaan koonfur galbeed soomaaliya’ iyadoo isbuucyo kahor kooxda al shabaab carruur badan ay ka afduubteen degaanka misir oo 30 KM ujirta degmada diinsoor ee gobolka baay.
Kooxda al shabaab ayaa inta badan carruurta ay afduubtaan waxay u adeegsadaan dagaalada waxayna ku shubaan fikirido qadan(Xagjir).
Degmada diinsoor ee gobolka baay waxaa kataagan dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah dadka kunool ayaan heyson nolol fiican degaanada qaar ee katirsan degmada diinsoor waxaa kusugan kooxda al shabaab waxay geystaan dil’jir dil iyo dhac iyadoo intaasi dhan logeysto dadka nugul.