Maalinta dhirta Soomaaliya oo baydhabo laga xusay ayaa munaasabad kooban oo ka dhacday madaxtooyada KGS oo ay ka soo qayb galeen wasiiro xildhibaano, maamulka degmada Baydhabo iyo gudoomiyaha labaad BKGS.
Wasiirka wasaaradda Bii’ada doorjoogta dalxaiiska dhirta iyo daaqa Cali Isaaq Cumar oo furitaanka munaasabadda ka hadlay ayaa ka sheekeeyay muhiimadda dhirta ay u leedahay noolaha iyo deegaanka.
Gudoomiyaha degmada Baydhabo Cabdulaahi Cali Watiin ayaa ka isna waxaa uu dul istaagay beerista dhirta iyo ilaalinteeda sida ay kaalin wayn uga qaadan karto bilicda deegaanka iyo cimiladiisa.
Awees Maxamed Nuur oo ah gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka KGS , waxaana uu tibaaxay deegaanka waxa qurxiya ee ugu horeeyo in ay tahay geedaha dhirta dhulkana u sameeya ugbaad carada hakisa oo nafaqaysa geedaha iyo beeraha.
Gabagabadii munaasabadda maalinta dhirta aduunka waxay wasaaradda beertay geedo kuwaasoo abuuristooda ay ka qayb qaateen dhammaan mas’uuliyiinta kala duwan ee maamulka oo ugu horeeyo kusimaha madaxweynha ahna wasiirka wasaaradda garsoorka iyo caddaalada Xuseen iyadoo beerista geedaha laga sameeyay dhamaan goobaha dadka isugu yimaadaan ee gudaha magaalada Baydhabo.