Baydhabo Somaliya-{WMN}-Ra’isul wasaaraha DFS, Xasan Cali Kheyre oo shalay soo gaaray Baydhabo, ayaa wada kulamo goono gooni ah oo uu la yeelanayo mas’uuliyiinta iyo bulshada qaybaheeda kala duwan si uu uga dhagaystay warbixino ku aadan halka uu marayo xaalka bulshada KG, iyo sida uu yahay xiriirka wada shaqayn ee kala dhexeeya xukuumadda uu isaga hogaaminayo.
Waxaa uu shir gudoomiyeey saakay kulan uu la qaatay Golaha wasiirada KG, iyadoo uu ku wehliyey kulanka madaxweynaha KG. Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen. Intii uu kulanka socday waxaa uu golaha wasiirada KG, kala hadlay dardargelinta shaqooyinka Tubaha KG, ee uu wasiirada Ra’isul wasaaraha ku booriyey in ay si howlkarnima ah uga soo dhalaalaan kaalintaas oo qorshayaasha Baydhabo u yimid ay koow ka tahay.
Sidoo kale waxaa uu Ra’isul waraaha la kulmay Golaha dhaqanka KG, oo ay wada qaateen kulan isbarasho ah kaasoo odayaasha iyo Ra’isulwasaaraha ku kali noqdeen oo saxaafadda madaxa banaan dibad jog ka ahayd, wixii ay isla meel dhigeenna aysan u suurto galin warbaahinta madaxa bannaan in ay hesho.