Baydhabo Soomaaliya-{WMN}-Towbarkan oo ay u qabatay hayada unsom ayaa lagu baranayey Tabinta wanaagsan ee arimaha Bani’aadmnimada,Doorashooyinka iyo bad baadada suxufiga
Waxaana xiritaanka towbarkan ka qaybgalay wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta KGS mudane Xasan Cabdi Maxamed oo soo xiray kulana dar daarmay suxufiyiinta ka faa ‘idaystay towbarka in ay ku dhaqmaan waxa ay kubarteen siminaarka.
Ugu dambayntii qaar kamid ah weriyaasha ayaa ka mahadceliyeen towbarka ay qaateen iyagoona balanqaaday in ay bulshada ugu adeegi doonaan si daacad ah kuna dhaqmi doonaan casharadii ay ka barteen towbarka.