Baydhabo Somaliya-{WMN}-Ka dib Markii Waddoyinka Magaalada Baydhabo Saameeyn ku yeeshay Roobabkii ka da’ay Guud ahaan Soomaaliya ayaa wasaraadda howlaha Guud iyo dib udhiska Dowlad Goboleedka Kgs iyadoo Fulineysa Amarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Kgs Mudane C/Casiis Xasan Mohamed Lafta-gareen oo ahaa In Si is xilqan ah lagu dhiso Waddoyinka Magaalada. Waxana Maanta Madaxda Iyo shaqahaa Waaraadda Howlaha Guud ay ka shaqa bilaabeen Waddoyinka Bur bursan iyadoo Injineerada Wasaradda ay Abir ku bilaabeen.
Waxana Shaqalaha wasaradda Howsha ka wada waddoyinka Horkacayey Agaasimaha Guud ee wasarada Mudane Yuusuf Wadani.
Inta Howsha Abiraada Waddoyinka Socotey ayaa waxaa halkaasi kormeer ku yimid wasiiro ka tirsan Dowladda Goboleedka KGS Maamulka Gobolka Baay Kan degmada Baydhabo.
Xasan Macakin ahamed Biikole Guddomiyaha degmada Baydhabo iyo Guddomiyaha Gobolka Baay Mudane Ali wardheere Abdiramaan Ayaa ka hadley dib udhiska waddoyinka Baydhabo.
Wasiir Kuxigeenka wasaradda Howlaha Guud Iyo dib udhiska Dowlad Goboleedka KGS Ahna Kusimaha wasiirka Mohamed Ali Culow ayaa ka hadley sida wasaradda Howlaha Guud ugu howlantahay Dib udhiska waddoyinka Magaalada Baydhabo.
Mohamed Abuukar wasiirka wasaradda Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo dib uheshiisiyiinta Dowlad Goboleedka KGS Ayaa Bulshada Magaalada Baydhabo ugu baaqey in ay Doorkooda ka qaataan Dib udhiska waddoyinka Magaalada