Baydhabo(WMN)_Guddomiyaha Degmada Baydhabo iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay ayaa Maanta Kormeer ku tagey Baydhabo New oo ah Deegan loogu tala galey in la dajiyo Qoysaska Barakaciyaasha ee kusugan Baydhabo.
Halkaasi oo ay ka socodaan Mashariciyo kala Duwan oo lagu dhisayi Isbitaalo waddoyin iyo Guriyaal lagu tala galey in la dajiyo Barakaciyaasha Baydhabo iyo iskuulo ay wax ku bartaan Caruurta.
Guddomiyaha Iyo wafdigiisa ayaa Guud ahanba kormeerey Goobaha laga fulinaayo Masharicida .
Xasan Macalin ahmed Biikole Guddomiyaha Degmada Baydhabo ayaa ka hadley Masharicidan kala duwan halkan lagu wado isagoona Farey Hay’adaha halkaas Ka wada Msharuuca in Barakaciyaasha Loo dhiso Guriyo ay dagaan iyo Goobo Caruurtooda wax ku bartaan.