Xabiibo ibraahim cali waa hooyo heysata 7 caruur ah oo aabahooda ku geeriyeeday sanad kahor qarax ka dhacay magalaada baydhabo, inta uusan geeriyoonin aabaha qoyskaani ayaa waxay ahayeen kuwo nolashooda iska caadia ah oo aabaha ayaa waxaa uu kazoo shaqeynaayay magaalada oo wuxuu ahaa xamaalato.
Hooyo xabiibo ayaa kaligeed kunoqotay mareynta guriga kadib waxaa ay bilowday in ay shaah ku iibiso meel aan kafogeyn gurigeeda si ay u hesho lacag ay ku biilato guriga iyo lacagtii waxbarashada caruurteeda.
Si wax loogu qabto xaalada ay ku nool yihiin hooyo xabiibo iyo todobada caruur ay dhashay ayaa ururka samfalka soomaaliyeed ee alfa tarast oo ah dad muxsaniin ah oo ay kazoo jedaan degaanadaan koonfur galbeed oo ku nool dalka dibadiisa ayaa xabiibo waxaa ay ugu deqeen lacag dhan shan boqol oo dollar si ay ugu balaarido meeskeeda yar.
Xabiibo ayaa sheegtay tani in ay wax badan ay ka bedeli karto nalasha qoyskeeda madaama ay hada abuuran karto shaqo fiican oo ku filan in ay lacag ay caruurteeda wax ay ku baran karto ay kazoo saari karto.
Xabiibo ayaa hada waxaa u muuqdaa hididiilo fiican waxaa u bilaawanayaa nolal kale oo ka duwan midi ay sanad hore ay ku ku jirtay waxay awooda in ay iska bixiso lacagta waxbarashada caruurteeda madaama horey wal wal badan ay ka qabtay ganacsigeeda yar iyo lacagta ay ku bixiso iskuulka ay dhigtaan caruurteeda.
Tabiye. Siid Cali Muuse Maxamed Ateera.