Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban ki-Moon,ayaa warkqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar,kaas oo uu Madaxweyne Xasan u magacaabay xilkaasi.
Yuusuf ayaa soo dhigay bartiisa Internet-ka isaga oo la sawiran Banki-Moon,waxaana uu xusay in ay kulan wada qaateen,kana wada hadleen Xaaladda Soomaaliya.
Qaramada Midoobey Xoghayeheeda MOON,ayuu uga mahad celiyay sida y u garab taaganyihiin Soomaaliya,waxaana uu intaa ku daray in Qaramada Midoobey ay madaxbanaannida gaarsiisay Soomaaliya 56 Sano ka hor.
Yuusuf Garaad,ayaa waxaa uu sidoo kale u mahad celiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxโuud,Raโisalwasaare Sharmaโaeke iyo Wasiirka arrimaha dibadda Hadliye,oo uu sheegay in ay u ogolaadeen in uu Soomaaliya ku matalo barta ay ku kulmaan diblomaasiyiinta 193 Dowladood.
Yuusuf,waxaa uu Sanadkii 2012kii u tartamaya madaxweynenimada Soomaaliya,waxaana uga sii horreysay in uu ahaa Madaxii laanta afka Soomaaliga ee BBC-da
.