Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Abdisalam Dhaay, ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Cibaadada ee Costa Rica, Manuel Tovar Rivera.
Kulanka ayaa ka dhacay xilli ay labada wasiir ka qeybgalayaan kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Costa Rica, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada horumarinta.
Sidoo kale, wasiirradu waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan danaha ay labada dal wadaagaan iyo fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga mustaqbalka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo diblomaasiyadeed oo ay Soomaaliya la yeelanayso dalal kala duwan, iyadoo wafdiga Soomaaliya uu ku sugan yahay New York si uu uga qeybqaato shirarka Qaramada Midoobay.



