Si loo mormariyo bilicda iyo nadaafada degmada xudur ee xarunta gobolka bakool ayaa bartamahii sanadkii 2019 maamulka degmada oo kaashanaayo gudiga dib udhiska degmada iyo shacabka ayaa waxaa degmada laga bilaawey howlahaasi.
Gudoomiyaha degmada xudur Maxamed Macalin Axmed Iyo gudoomiyaha dib udhiska degmada xudur Cabdirisaaq Saajin ayaa waxay degmada kafuliyeen in lafuro wadooyin in mudo ah xirnayeen iyo in dib loo celiyo dadka sida sharci darada ah dhismiyashooda wadada ay soo galeen.
Bilooyin ka dib maamulka ayaa waxaa uu ku guleystay in howlo badan ay ku guleystaan taasi oo ah in lahelo wadooyin waasac ah iyo in lanadiifiyo goobo badan oo ay ka jireen nadaafad daro.
Maxamed Macalin Axmed gudoomiyaha degmada xudur oo shir karaa`id ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxaa uu soo jeediyay baaq ka dhan ah shacabka degmada xudur kaasi oo ah in aan magaalada lakeeni Karin wax bilicda degmada wax u dhimi karo iyo dadkii rabo in ay wax dhistaan in ay iska soo diwaan galiyaan xafiiska dowlada hoose ee degmada xudur.
Halka hoose ka dhageyso codka W|Q| Wariye Siid Cali Muuse Ateera,