
Baydhabo-{WMN}-Maamulka Koonfur Galbeed waa in uu amraa saraakiisha booliiska Baydhabo in ay siidaayaan laba weriye oo ka tirsan Radio Warsan oo ku xiran waaxda dambi baarista ee Baydhabo tan iyo Khamiista 4-ta August, Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Isutagga Saxafiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ) iyo Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa sidaas ku sheegay war saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen maanta oo Isniin ah.
Maalintii Khamiista, booliska Baydhabo ayaa u yeeray kaddibna si sharci darro ah u xiray weriyaha Radio Warsan, Maxamed Cabdiraxmaan Cabdulle oo loo yaqaan Maleele iyo soo saare Faarax Xuseen Xaaji oo loo yaqaan Weerow.
Booliiska ayaa markii hore sheegay in ay baarayaan dadka looga shakisan yahay inay qaab khiyaano ah lacag uga qaateen dad.
Si kastaba ha ahaatee ma jiraan wax dacwad ah oo illaa maanta lagu soo oogay labada saxafi oo weli ku xiran waaxda dambi baarista taasoo sharci darro ka dhigaysa xariggooda.
SJS, FESOJ iyo SOMA waxay ku baaqayaan in labada weriye xorriyadooda degdeg loo siiyo.Waxaan ka walaacsannahay in labada weriye lagu hayo qol oo lagu hayo dad lagu eedeeyey inay wax dileen, sida ay sheegeen wakiilo ka socda ururradeena oo booqday suxufiyiinta la xiray Axaddii.
Iyadoo Maleele iyo Weerow labadaba aan lagu soo wargelin wax denbi ah, haddana booliiska Baydhabo ayaa weli ku sii haya xabsiga taasoo khilaafsan qodobka 35-aad ee Dastuurka KMG ah oo mamnuucaya in xabsiga lagu hayo qof wax ka badan 48 saacadood haddii aan lagu oogin eedeyn.