Maamulka Idaacada Warsan ee Magaalada Baydhabo ayaa wada dadaalkii ugu danbeeyey iyo qaban qaabada lagu qabanayo tartan aqooneedka oo bil kasta Ramadaan Idaacada qaban jirtay.
Tartanka Idaacada ay qaban doonto bishan waxaa ka wada qeyb gali doona dhamaan Tobanka xaafadood ee Magaalada Baydhabo,waxaana Idaacada ay sameysey Gudigi diyaariya tartanka oo maamulkka Idaacada ka tirsan.
Maalmaha soo socda waxaa dhalinyrada xaafadaha loogu wici doonaa gudaha Idaacada si diiwan gelinta u bilowdo Idaacada ee Tartanka ku saabsan.
Idaacada Warsan ayaa la aas aasey 1994-ayaa si joogta ah u qabaneysey tartan aqooneedka,wuxuna noqon doona midka sanadkan mid ka duwan kuwii horey ee loo qaban jirey.