Dowladda uu caalamka aqoonsan yahay ee dalka Libya ayaa balan qaaday in ay bariga dalkaasi kasaari doonto ciidamada Jenaraal Khaliifa Xaftar.
Arinkan waxa uu imaanayaa kadib markii maliishiyaadka xaftar lagala wareegay magaalada istaraatiijiga ah ee Sirta.
Magaaladan oo ku taalo bariga dalka Libya ayaa waxa ay saladhig milatari oo muhiim ah ay u ahayd ciidamada daacada u ah Jenaraal Xaftar.
Magaalada Sirta oo sabtigii ay lawareegtay dowladda uu caalamku aqoonsan yahay ayaa sidoo kale fure u ah wax soo saarka dalkaasi gaar ahaan shidaalka