Mareykanka oo qorsheynaya in iskaashi Amni uu la yeesho Somaliland written by Warsan Radio 08/07/2022 Guddiga Addeega Hubka Aqalka Wakiilada Maraykanka, ayaa waaxda difaaca u soojeedisay in la amba qaado xiriir amni oo Somaliland iyo Maraykanku yeeshaan.Guddiga ayaa soo jeediyay in dowlada Maraykanka Somaliland la kaashato sugida amniga gobolka Geeska Afrika, isla markaana ay iskaashi kala yeelato iswaydaarsiga xogta sirdoonka, dhoolatusyo wadajira oo ay sameeyaan labada ciidan, howlgalada badaha oo ay wada fuliyaan iyo tababaro lasiiyo ciidanka Somaliland.Xukuumada Somaliland ayaa bogaadisay talaabada ay guddida adeegyada hubku qaaday, iyadoo qoraal kasoo baxay xafiiska Somaliland ee Washington, ay xukuumada Somaliland ugu sacabo tuntay talaabadan.“Somaliland waxay bogaadinaysa talaabada ay qaadeen Guddiga Adeega Hubka ee Wakiilada Maraykanka, si ay u horumariso iskaashi amaan oo xooga oo dhexmara Somaliland iyo Maraykanka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Somaliland ee Washington.Xiriirka Somaliland iyo Maraykanka ayaa u muuqda mid u socda xaga wadajirka tan iyo markii bishii March uu madaxweyne Biixi safar ku tagay Washington, safarkaasi oo Maraykanka kaga doonayay iskaashi iyo saxiibtinimo. Mareykanka oo qorsheynaya in iskaashi Amni uu la yeesho Somaliland was last modified: July 8th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post laamaha Amniga Puntland oo lagu wareejiyay Nin dil ka geystay Gobolka Sanaag next post Sacuudiga oo diyaariyay qorshaha Amniga Xajka ee sanadkan You may also like Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee idaacada warsan 14/10/2018 Dhageyo;- Warka Subaxnnimo ee Idaacada Warsan 13/09/2022 Dhageyso: Tartan Aqooneedka Idaacada Warsan 14/04/2023 DF oo faah faahin ka bixisay khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo la fuliyey 17/08/2023 Madaafiic lagu weeraray Saldhig kuyaal Shabeellaha Hoose 22/10/2021 Maamulka Gobolk Banaadir oo sheegay in uu la dagaalamayo Musuqmaasuqa 24/06/2023 Akhriso:-Wasiirka Arimaha Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ku geeriyooday Dubai 08/03/2019 Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan 06/06/2020 Dhageyso:-Madaxweynaha kgs oo sheegay in ay furi doonaan wada muqdisho iyo baydhabo. 23/09/2019 Askar dilal gaysatay oo Xukunno lagu riday 06/11/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.