Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta waxa ay dood adag ka yeesheen sharciga Axsaabta siyaasadda ee dalka.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay, nidaamka doorshooyinka Qaran ee dalka iyo in laga guuro saami qaybsiga nidaam beeleedka eek u salaysan 4.5.
Cabdi Maxamed Sabriye wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya, oo maanta xildhibaannada golaha shacabka ka hor aqrinayay, qodobada ay ka beddeleen sharciga Axsaabta siyaasadeed ee dalka, kaddib markii ay yeesheen xildhibaannadu kulankoodii ugu horreeyay ee kalfadhiga 7aad.
Qaar kamid ah xildhibaannada oo sharcigaan ka aragti dhiibanayay ayaa waxa ay ku tilmaameen in uu yahay mid gebigiisa wada qaldan loona baahanyahay dib in loogu celiyo wasaaradda arrimaha gudaha ee soo diyaarisay sharcigaan.
Halka xildhibaanno kale ay shaaca ka qaadeen in loo baahan yahay in laga saaro sharcigaan, qodobada dhigaya marka xisbi la sameynayo in laga fogaado nidaamka gobaleysiga, maadama xildhibaannada laga soo doorto goballada ay kasoo jeedaan.
Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan guddoomiyaha golaha shacab ee Baarlamaanka Soomaaliya oo gabagabada kulankaan hadlay ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka bixi doonto nidaamka 4.5 oo beeluhu ay wax ku qeybsadaan, mar haddii la meel mariyo sharciga Axsaabta ee haatan xildhibaannada horyaalla.
Sharciga Axsaabta siyaasadeed ee dalka ayaa waxaa lagu wareejiyay guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka si ay uga soo talabixiyaan, islamarkaana ay usoo diyaariyaan aqrinta labaad.