Safaaradda Mareykanka ee dalka Jabuuti ayaa qoraal ay soo saartay uga digtay mawaadiniida ku nool dalka Jabuuti.
Digniitaas ayaa salka ku haya dibad-bax ballaaran oo ay mucaaradka dalka Jabuuti ku ballameen in ay maanta oo jimca ah ka digaan magaalada Jabuuti.
Safaaradda Markeykanka ayaa qoraalkaas ku sheegtay in mawaadiniita aysan tagin xaafadaha kala ah:
PK12, Hayablay, Balbala, Sheekh Muuse iyo Garoonka Guuleed. Waxaana laga cabsi-qabaa in dib-baxa maanta ka dhicidoona magaalada Jabuuti in ay ka dhashaan rabshado
Dibad-baxa maanta ka dhacayo magaalada Jabuuti ayaa wuxuu jawaab u yahay xariga iyo waliba jir-dilka loo geystay Duuliye Fuโaad Yusuf oo ku xiran xabsi ku yaala magaalada Jabuuti.
Dowladda Mareykanka ayaa saldhig miltari ku leh dalka Jabuuti