Raโiisul wasaaraha waddanka Tunisia Elyes Fakhfakh ayaaย is-casilay sida lagasoo xigtay laba masโuul oo sar-sare oo ka tirsan dowladda, islamarkaana diiday in warbaahinta ay magacyadooda isticmaasho. Waayadii dembe waxay aragti ahaan kala duwanaayeen xisbiga talada dalkaasi haya ee Ennahdha
Fakhfakh waxay wararku sheegayeen iney ku socdeen baaritaanno la xiriira aragtida uu ka aaminsanyahay mabaadiiโda Ennahdha, oo kuraasta ugu badan ee Baarlamanka waddankaasi ku fadhiya, tan iyo wixii ka dembeeyay doorashadii bishii October ee sanadkii tegay.
Dhaq-dhaqaaqa isku bedalay xisbul xaakimka Tunisia ee Ennahdha ayaa waxay xildhibaannadooda qorsheynayeen mooshin xil ka xayuubin ah oo ka dhan ah raโiisul wasaaraha is-casilay.
Hadda mar kale waxaa madaxweyne Kais Saied hor-yaalla inuu soo magacaabo raโiisul wasaare cusub. Xilli dhinacyada kale ee Ennahdha kasoo hor-jeeda ay siyaasadda dowladda kasoo horjeedaan