Sii hayaha ra’iisul wasaaraha dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) ayaa maanta kormeeray Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho isagoo u kuur galayay xaalada guud ee xabsiga dhexe.
Marka uu gaaray xabsiga dhexe waxa uu salaam sharaf ka qaatay ciidamada oo goobta loogu diyaariyay waxaana sidoo kale ku soo dhaweeyay Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Generaal Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
Sii hayaha ra’isulwasaaraha dalka ayaa warbixin ka dhageystay taliska Asluubta. Waxuu taliska asluubta waxaana uu kula dardaarmay dardargelinta qorshaha adkeynta amniga, xanaaneynta iyo horumarinta nolosha maxaabiista si loogu diyaariyo mustaqbal ifaya.
Booqashada Sii Haye Guuleed ayaa ahayd tii ugu horeysay ee uu ku tegey xabsiga magaalada Muqdisho kadib markii dhowaan ay guddi loo saaray baarista weerar ka dhacay gudaha xabsiga ay soo saareen warbixin hordhac ah oo ku saabsan dagaalkii ka dhacay Xabsiga.