Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in maalmaha soo socda ay dalkeeda ka mamnuuceyso baraha ay bulshadu ku xiriirto ee kala ah TikTok iyo WeChat.
Go’aanka Mareykanka looga mamnuucayo shirkadahaas ayaa lagu wadaa in uu dhaqan galo Axada soo socota, waa hadii aysan wax iska bedelin go’aanka madaxweyne Trump oo heshiis aan laga gaarin khilaaf culus oo taagan.
Wasaaradda ganacsiga Mareykanka ayaa shaacisay in dadka ku nool Mareykanka ay ka mamnuucayso in ay lasoo dagaan barnaamijyada shirkadahaas.
Maamulka madaxweyne Trump ayaa sheegaya in shirkadahaan ay khatar ku yihiin ammaanka qaranka, isla markaana macluumadka qofka barahaas isticmaalaya ay u gudbin karaan dowladda Shiinaha oo Mareykan cadawgiisa uu u qayaano.
Eedeymaha Mareykanka waxaa gabi ahaanba iska diiday Shiinaha iyo labadaas shirkadood ee TikTok iyo WeChat, waxayna eedaha uga imaanaya dowladda Mareykanka ku tilmaameen waxba kama jiraan.