Bangiga Adduunka oo 100 Milyan u ansixiyay Soomaaliya written by Warsan Radio 28/07/2022 Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay $100 milyan oo deeq ah oo lagu taageerayo sii wadida dadaallada dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya ee lagu gaarayo heerka dhameystirka dayn cafinta dalka.Dhaqaaalahan ayaa waxa uu taageerayaa dadaalka dawladda ee daah-furnaanta maaliyaddeed iyo kordhinta dakhliga iyada oo loo marayo iswaafajinta nidaamyada kastamka ee federaalka iyo hagaajinta maamulka maaliyadeed ee dowladda dhexe.Maaddaama ay Soomaaliya sii wajaheyso dhibaatooyinka isbedelka cimilada la xiriira, taageeradan dhaqaale ayaa lagu xoojinayaa adkeysiga dhaqaalaha iyo maalgashiga kalluumeysiga iyo tamarta dib loo cusboonaysiin karo si loo abuuro shaqooyin loona kobciyo.“Hawlgalkani waxa uu kordhin doonaa maaliyadda dawladda si wax looga qabto xaaladda abaarta, iyada oo la sii wadayo dib-u-habaynta horumarka lagu gaarayo deyn cafinta Soomaaliya,” ayay tiri Kristina Svensson, Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya.Bangiga adduunka ayaa sheegay in bishii Juun 2022, 46% dadka Soomaaliyeed ay soo food saartay cunto yari taasoo ay ugu wacan tahay xaaladaha abaareed ee sii xumaanaya iyo saamaynta sicir bararka, sida sare u kaca qiimaha cuntada iyo shidaalka, qayb ahaan waxaa sabab u ah dagaalka ka socda dalka Ukraine.Iyadoo ay jiraan caqabadahaas, ayuu Baanka adduunku ku ammaanay Soomaaliya inay sii adkaysay xasilloonida dhaqaalaha guud waxayna sii waday ka qayb qaadashada Hindisaha deyn cafinta. Bangiga Adduunka oo 100 Milyan u ansixiyay Soomaaliya was last modified: July 28th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Itoobiya oo markii ugu horraysay war kasoo saartay weerarka Al-Shabaab next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan. You may also like DHAGEEYSO:-KULANKA WARSAN 05/01/2017 Midowga Musharixiinta oo shir la leh madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland 14/03/2021 Shariif Sheekh Axmed oo markale gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad Gobolleedka Hirshabeelle 04/11/2020 Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo ka bilaabatay Beledweyne 23/03/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 21/12/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Beeraha oo ku celis ah 26/04/2021 Dhageyso: Maxaa Kahor Taagan Dhalinyarada Soomaaliyeed In ay Ka Soo Muqaal Siyaasada Dalka 08/01/2020 DHAGEYSO: Warka Subax ee Idaacada Warsan 22/03/2020 Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay furista Safaarada Sacuudiga ee Muqdisho 09/06/2021 Dhageyso:-Wasaarada arimaha gudaha KGS diyaarisay sharciyada golaha deegaanka 24/11/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.