Dowladda Itoobiya oo markii ugu horraysay war kasoo saartay weerarka Al-Shabaab written by Warsan Radio 28/07/2022 Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa markii ugu horraysay soo saartay war-saxaafadeed ay uga hadlayso dagaalkii dhawaan dhex maray Al-Shabaab iyo ciidamada Dowlad Deegaanka oo gacan ka helayay militeriga federaalka Itoobiya.War-murtiyeedkan oo ahaa mid la sugayay in muddo ahba ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab la gaarsiiyay khasaare xooggan. Waxaa kale oo lasoo tebiyay inay sii badanayso tirada xubnaha Al-Shabaab ee lagu qabanayo gudaha Itoobiya, gaar ahaan gobolka Afdheer.Hoggaanka Al-Shabaab ayaa dhankooda horay u sheegay inay guulo ka gaareen dagaallada labo jeer ka dhacay deegaannada xadka u dhow.Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka.War-saxaafadeedkan ayaa si buuxda ugu saabsan faahfaahinta dagaalladii isxigay ee ka dhacay magaalooyin u dhow xadka kala qaybiya Itoobiya iyo Soomaaliya, kuwaasoo ay ku lug lahaayeen Al-Shabaab iyo ciidamada Liyu Booliska ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.Xogta lagu sheegay waxaa ka mid ah in 85 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Feerfeer ee ku taalla xadka ay Itoobiya la wadaagto gobolka Hiiraan.Dagaalkii ka dhacay gobolka Afdheer, oo ilaa hadda lagu soo warramay in uu si goos goos ah u socdo ayaa isagana lagu dilay Al-Shabaab ay tiradoodu gaarayso 209 xubnood, sida lagu sheegay warkan kasoo baxay dowladda federaalka Itoobiya.“Al-Shabaab damacoodu waxa uu ahaa in ay ka gudbaan deegaanka Ceel-Karri si ay u gaaraan dhulka jooggiisu sarreeyo ee ka billowday halkaas iskuna xira deegaannada Soomaalida iyo Oromada si ay khalkhal u sameeyaan jabhadna halkaas uga noqdaan iyagoo ku biiraya kooxda Shene,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay dowladda dhexe.Ururka Shene oo qayb ka ah dhaqdhaqaaqyada Oromada ayay dowladda Itoobiya u aqoonsan tahay urur argagixiso ah.Tan iyo markii ay xiisadda billaabatayba waxaa soo baxayay wararka ku saabsan in Al-Shabaab ay xiriir la leeyihiin ururkaas ayna ku dadaalayaan sidii ay isugu gudbi lahaayeen.Waxyaabaha kale ee war-saxaafadeedka lagu sheegay waxaa ka mid ah in Itoobiya ay gacanta ku dhigtay saddex ka mid ah qalabka isgaarsiinta ee ay Al-Shabaab adeegsanayeen, kuwaasoo la sheegay in ay tiradooda guud ahayd afar.Mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya warkan kuma aysan qeexin qorshahooda xiga ee ku saabsan dagaalka iyo tallaabada ay qaadi doonaan, waxa uuna walaac ka taagan yahay amni darrada kasoo cusboonaatay deegaankaas.Hase yeeshee Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Cumar, oo dhawaan gaaray furinta hore ee dagaalka ayaa sheegay in “la abuuri doono aag ka caaggan Al-Shabaab oo ka mid ah gudaha Soomaaliya”.Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya goobihii lagu dagaallamay ayaa sheegaya in wali ay socdaan isku dhacyo goos goos ah.Dad ku sugan meelo ka tirsan gobolka Afdheer, gaar ahaan degmada Qooxle iyo degmada Cadaadle ee gobolka Shabeelle ayaa wariyaha BBC-da ee dowlad deegaanka u sheegay in dhulka miyiga ah ay ka dhaceen dagaallo kooban oo u dhaxeeyay ciidanka amniga deegaanka iyo Al-Shabaab.Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa sheegay in ilaa shalay oo Arbaco ah ay gacanta ku dhigeen sagaal qof oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, inkastoo aysan jirin warar madax bannaan.Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ay uga jawaabayaan faahfaahinta ugu dambaysay ee dowladda federaalka Itoobiya. Dowladda Itoobiya oo markii ugu horraysay war kasoo saartay weerarka Al-Shabaab was last modified: July 28th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Mareykanka oo Ruushka kala hadlaya dad u xiran next post Bangiga Adduunka oo 100 Milyan u ansixiyay Soomaaliya You may also like Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Dalab Hordhigay Musharaxiinta Madaxweynaha 11/01/2021 Maxaa looga hadlay Shirkii Maanta ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya? 23/02/2023 SAWIRO:- Madaxweynaha Masar oo lagu soo dhaweeyay dalka Hindiya 25/01/2023 Dagaal ka dhacay Gobolka Bakool & faah faahin laga helayo 30/03/2022 Dhageyso:- Warka Galabnnimo ee Idaacada Warsan 30/08/2022 Daawo:- Wasiir Muqtaar Rooboow” Nolol majirto hadaan Ammaan la helin” 16/11/2022 Akhriso:- Madaxweynaha Jabuuti oo gaaray magaalada Sucuudiga oo dhex dhexaadinaya Eritrea iyo Jabuuti 17/09/2018 Shariif Sheekh Axmed iyo Taliye Odawaa Raage oo Muqdisho ku kulmay 17/04/2021 Dhageyso:- inta u dhaxeeysa Bardaale iyo Baydhabo ayaa Lagu Gubay Gaari Jaad Waday. 22/05/2017 Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Amisom oo la wareegay degaanka Janaa-Cabdala 02/09/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.