Mareykanka oo Ruushka kala hadlaya dad u xiran written by Warsan Radio 28/07/2022 Xoghayaha Arrimaha Debedda ee dalka Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay inuu la hadli doono dhiggiisa dalka Ruushka Sergey Lavrov maalmaha soo socda isaga oo u gudbin doona dalab “wax ku ool ah” oo looga gol leeyahay in lagu soo daayo xiddiga kubbadda koleyga ee Mareykanka ee Brittney Griner iyo Paul Whelan oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada badda ee Mareykanka, kuwaas oo haatan ku xiran dalka Ruushka.Arrimaha kale ee la filayo inay ka wada hadlaan Blinken iyo Lavrov waxaa ka mid ah, hirgelinta heshiiska dib loogu soo celinayo sareenka laga dhoofiyo dekedaha Badda Madow ee dalka Ukraine iyo weliba xiisadda ka taagan dalkaasi.Labadan Wasiir ayaan wada hadlin muddo ku siman 5 bilood, waxaana wadahadalkoodii ugu dambeeyey ee ay si toosa u wada hadlaan uu ahaa 15-kii bishii February ee sannadkan, maalmo ka hor uun duullaankii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.Shir jaraa’id oo uu qabtay Arbacadii, ayuu xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanku ku sheegay in Washington ay xiriir la samaysay dalka Ruushka iyada oo u soo bandhigtay dalab “wax ku ool ah” si loo sii daayo labada muwaadin ee u dhashay dalka Maraykanka ee haatan gacanta ugu jira dawladda Ruushka, hase ahaatee Xoghaye Blinken wuxuu diiday inuu faahfaahin ka bixiyo nooca dalabka ay u bandhigeen dalka Ruushka.Ginger oo tagtay dalka Ruushka bishii February ee sannadkan ayaa xabsiga la dhigay, iyada oo la sheegay in laga helay shandadeeda, caagado ay ku jiraan, saliid laga sameeyey xashiishadda.Sidoo kale Whelan oo ah madaxa fulinta amniga ee shirkad ku taalla gobolka Michigan ayaa isna loo haystaa eedo la xidhiidha basaasnimo, inkasta oo qoyskiisu ay sheegeen in eeddaasi ay tahay been abuur. Whelan ayaa lagu hayaa dalka Ruushka tan iyo sannadkii 2018. Mareykanka oo Ruushka kala hadlaya dad u xiran was last modified: July 28th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Dowladda Itoobiya oo markii ugu horraysay war kasoo saartay weerarka Al-Shabaab You may also like Akhriso:-Cabdi Maxamuud Cumar oo maanta la horgeeyay Maxkamada markii 5aad 19/10/2018 Akhriso:-Labo Safiir Somali u fadhiyay dalalka Hindiya iyo Switzerland oo la isku dhafay 26/04/2019 Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo ka bilaabatay Beledweyne 23/03/2022 Dhageyso;- Barnaamijka Arimaha Caalamka 18/09/2022 Duqayn lagu dilay Xubno ka Tirsan Alshabaab 13/02/2023 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 15/08/2020 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 03/04/2022 Golaha Wasiirada cusub ee Britain oo markii ugu horreysay laga waayay shaqsi cadaan ah 07/09/2022 Masuuliyiinta Iiraan oo baahisay mid ka mid abaabulayasha weerarkii Natanz 18/04/2021 Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay wafdi uu horkacayey wasiir Axmed Shide 18/06/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.