Xukuumadda Somaliland ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku cambaaraysay socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Bare, uu ku tegay magaalada Laascaanood ee Waqooyi-bari Soomaaliya, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaas inay hurin karto xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Somaliland ay u aragto socdaalkaas mid ka hor imanaya waxa ay ku sheegtay madax-bannaanideeda dhuleed, isla markaana uu wiiqi karo dadaallada lagu doonayo nabada iyo xasilloonida gobolka.
Somaliland waxay sidoo kale sheegtay in socdaallada noocan ahi aanay waxba ku soo kordhinayn nabadda, balse ay sii hurin karaan xiisadaha ka jira gobolka.
Xukuumadda Somaliland ayaa ugu baaqday Midowga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada caalamka inay, sida ay hadalka u dhigtay, ka hortagaan tallaabooyinka ay u aragto kuwo kicin ah, isla markaana ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhiirrigeliyaan inay ka fogaato falalka sii kordhin kara xiisadaha.
Dhanka kale, Somaliland waxay sheegtay inay weli ka go’an tahay nabadda, xasilloonida iyo wada-noolaanshaha, balse ay qaadi doonto tallaabooyinka ay u aragto inay lagama maarmaan u yihiin difaaca amnigeeda iyo dhulkeeda.
Hadalkan ayaa jawaab u ah booqasho uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya maanta ku joogo magaalada Laascaanood ee Maamulka Waqooyi-bari Soomaaliya.
