Weerarkaan ayaa ahaa mid ka dhan ah xeryaha military ee ay degganyihiin ciidamada shisheeye sida uu sheegay sarkaaal ka tirsan UN-ka.
Suleymaan Maxamed oo deggan magaalada Kidal ayaa sheegay inuu maqlaydhawaq gantaalo oo ka imaanya jihada xero ay degganyihiin ciidamada nabad ilaalilnta Qaramada Midoobe ee dalkaas ku sugan.
Sarkaal ka tirsan Qaremada Midoobe oo aan shaacin magaciisa ayaa sheegay in weerar gantaalo loo adeegsay lagu qaaday maanta oo Isniin ah xero ku taal Kidal sidoo kalena waxaa weeraro nuucaan oo kale lala beegsaday magaalooyinka Gao iyo Menaka.
Weerarada lagu qaado xeryaha ciidamada caalamiga ah ee jooga dalka Mali ayaa ah kuwa soo noqnoqda, laakiin waa markii ugu horeysay ee dhowr magaalo hal mar lagu qaado weerar nuucaan ah.