MUSHKILADDA HAAYSATA DIGILMIRIFLE AYAGA UUN BAA SAXI KARA.
Waxaa si joogta ah beryahaan dhagaheena ugu soo dhacaayo eedeeymo ay tirsanayaan qowmiyadda Digil & mirfle tasoo ayka tirsanayaa beelaha kale ee Soomaaliyeed.
EEDAHA AY TIRSANAYAAN!
Waxay ku eedeeynayaan beelaha walaalaha kale ee Soomaaliyeed “ Waxaa dhib joogta ah nagu haaya faragelinta ay beelaha kale ee Soomaaliyeed ayku hayaan masiirkeena siyaasada iyo dhaaqalaha intaba”
Doodooda inta badan waxay salka ku haaysaa in beelaha kale ay markasta ka hor yimaadaan rabitaankooda shacbixiyan, waxay kaloo leeyihiin anaga hadaan nahay beelwaynta Digil & Mirifle marnaba ma faragelino amuuraha ayaga u gaarka, hadaba maxaa teena dabadhigay?.
Garta Ilaah bay taqaan, Aniga waxay ila tahay in dhibaatada ay tabaneeyso beelwaynta DigilMirifle qalalaadkaani inta badan ay masuul ka leeyihiin DigilMirifle dhexdooda oo ay ayaga leeyihiin dambigaas.
Waxay ila tahay in la joogo waqtigii Digil & mirle ay soo dooran la haayeen madax iyo xildhibaano ayaga ka wakiil ah oo danahooda fuliyo, tasoo lagu soo xulo aqoontooda iyo daacadnimo ay ugu hayaan shacabka reer Koonfur Galbeed iyo qaranimada dalka Soomaaliyeed.
Hadaan waqtigaan xasaasiga ah wax laga badalin habkii hore ee maamulka, waxaan shaki ku jirin in markale la idiin keeni doono shaqsi la idiin soo doortay inaad ku raacdaan inuu hogaan idiin qabto sida caadada ahayd.
Hadaba waxay ila tahay in dantiina iyo mida guud ee Soomaalida ka dhaxeeysa ayku jirto in doorashadaan ka duwanaato kuwii hore.
Arimaha reerkaan u gaarka ah ayaga uunbaa saxi jara, hadii kale waligiin EED Baad ku jireeysaan.