Valéry Giscard, oo kamid ah madaxwaynayaashii soo maray dalka Faransiiska ayaa geeriyooday isagoo da’diisa ay tahay 94 sano.
Ninkan ayaa wadanka Faransiiska madaxwayne ka ahaa intii u dhaxeesay sanadihii 1974’tii illaa 1981’dii.
Madaxwaynaha ayaa lasheegay in uu u geeriyooday xanuunka coronavirus, sida ay sheegeen xubno kamid ah qoyskiisa.
Shaqsiyaaska ka hadaly geerida ku timid madaxwaynihii hore ee Faransiiska kana tacsiyeeyay waxaa kamid ah madaxwaynaha haatan ee dalkaasi Emmanuel Macron