Haweeneey hal meel ku dishay 6 Carruur ah oo ay dhashay written by Warsan Radio 01/06/2022 Haweeney 30 jir ah ayaa tuulo ku taalla gobolka Maharashtra ee dalka Hindiya ku dishay lix carruur ah oo ay dhashay, kuwaasoo ay ku tuurtay ceel biyo ku jiraan.Markii ay falkaas samaysay kaddib ayay iyada qudheeda isku dayday inay is disho, balse Dadka tuulada ayay u suurtagashay in ay badbaadiyaan haweeneyda ku lugta lahayd dhacdadaas naxdinta leh.Haseyeeshee dhammaan carruurtii ayaa ku dhintay biyaha ceelka oo ay ku hafteen. Booliska degmada Raigad ayaa xabsiga u taxaabay hooyada oo lagu soo oogay dambi dil ah.Sidoo kale, ninkeeda ayay boolisku u xireen si ay su’aalo u waydiiyaan.Taliyaha booliska Raigad, Ashok Dudhe ayaa wareysi uu BBC-da siiyay ku yiri: “Carruurta dhimatay waxau isugu jiraan shan gabdhood iyo hal wiil. Wiilka ugu yar wuxuu ahaa hal sano jir, gabadha ugu waynna waxay ahayd 10 jir.”Dhacdadan argagaxa gelisay dadka deegaanka ayaa galinkii dmabe ee maalintii Isniinta ka dhacday tuulo lagu magacaabo Dhaklathi.Aaabaha qoyskan, Chikhru Sahani, oo 33 jir ah ayaa halkaas soo dagay muddo hal bil ah ka hor, xilligaas oo uu kasoo guuray gobolka magaalada Gorakhpur ee gobolka Uttar Pradesh.Waxa uu tuuladan u yimid si uu uga helo shaqo uu nolol maalmeedka ugu raadiyo xaaskiisa Runa, oo 30 jir ah iyo lix carruur ah oo ay dhaleen, sida uu sheegay taliyaha booliska degmada.Xigasho Bbc Somali Haweeneey hal meel ku dishay 6 Carruur ah oo ay dhashay was last modified: June 1st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Howlgal lagu qabtay Maandooriye & Ciyaal Weero oo laga sameeyay Muqdisho next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like RW Xamsa Barre oo kulamo muhiim la yeeshay Aadan Madoobe & Cabdi Xaashi 17/02/2024 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 25/06/2022 Taliye Cali Gaab oo ka hadlay qarixii lala beegsaday Gaarigiisa 20/05/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 23/05/2021 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 27/09/2022 Magaalada Dhuusamareeb oo Maalintii labaad uu ka socdo shirka Golaha Wadatashiga Qaran 27/08/2023 Daalibaan oo lagu eedeeyay inay dileen haweeney xaamilo ahayd 07/09/2021 Faah faahin ayaa waxeye ka sobaxeysa Weerar ay Dad Badan Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Dalka Canada 05/09/2022 QM Oo Kulan Ka Yeelaneysa Xaaladda abaraha ka jira Somalia 07/09/2022 Akhriso:-Wasaaradda Isgaarsiinta oo soo bandhigtay sahan lagu sameeyay baraha internet-ka ee wasaaradaha 25/05/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.