Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar lagu joojinayo hubka lala galo garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda amniga ayaa ku macneysay sababaha inay ku timid sare u qaadida amniga Garoonka Aadan Cadde.
Wasaaradda Amniga ayaa sidoo kale qoraalkan faahfaahin uga bixisay cidda loo oggol yahay in ay hubka la geli karaan garoonka diyaaradaha Aden Cadde.
“Waxa kaliya loo ogolaaday iney hubka la gelin karaan ilaalada madaxweynaha JFS, Ra’iisal wasaaraha JFS, Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaarada.
Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Amniga;