Itoobiya oo sheegtay inay dishay 85 ka tirsan Al-Shabaab written by Warsan Radio 27/07/2022 Ciidamada dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa dilay 85 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab intii uu socday iska-horimaad ka dhacay xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya , sida ay sheegeen idaacadda dowladda Itoobiya iyo taliye ka tirsan gobolka, maalmo kadib markii Al-Shabaab ay weerarro naadir ah ku qaadeen deegaankaas.Dagaalkan ayaa sii kordhinaya dhibaatooyinka dhanka ammaanka ah ee uu wajahayo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo isku dayaya in uu damiyo kacdoonka ka socda gobolka Oromada, islamarkaana uu dejiyo macaaradka aan raali ka ahayn ee ku sugan gobolka Axmaarada, isla markaana uu wadahadallo nabadeed la bilaabo gobolka waqooyi ee Tigrayga.Telefiishanka Itoobiya ee ITV ayaa sheegay in ciidamada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay dileen 85 ka tirsan Al-Shabaab, tiro intaa ka badanna ay ku qabteen degmada Feerfeer oo ku dhow xadka Soomaaliya.Taliye ka tirsan ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida oo codsaday in aan magaciisa la xigan ayaa sheegay in 85 ka tirsan Al-Shabaab ay dileen. Wakaalada wararka ee Reuters uma suurta galin in ay la xiriirto afhayeen u hadlay Al-Shabaab si ay uga hadlaan arrinkan.Taliyahan ayaa sheegay in ciidamadoodu ay dileen guud ahaan 243 ka tirsan Al-Shabaab tan iyo markii kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ay weerareen laba tuulo Arbacadii la soo dhaafay, islamarkaana 22 ka mid ah askartiisa laga dilay dagaalkan. Itoobiya oo sheegtay inay dishay 85 ka tirsan Al-Shabaab was last modified: July 27th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Qarax Lagu Dilay Guddoomiyihii Marka Oo Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose next post RW Xamse oo markii ugu horreeysay ka hadlay dagaalka Ciidanka liyuu Boolis & Al-Shabaab You may also like Dhageyso: Warka Duhurnimo ee Idaacada Warsan 19/01/2023 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 24/01/2023 QM oo walaac ka muujisay xaaladda dadkii ka barakacay Boosaaso 24/12/2021 Kenya oo Dalka Haiti Ciidamo u diraysa iyo QM oo soodhaweysay tallaabadaasi 01/08/2023 (SAWIRO): Duqeyn lagu dilay Askari iyo dad Rayid ah 19/02/2023 DHAGEYSO:-Barnaamijka Kulanka Warsan 29/03/2020 Dhageyso:-Guddoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka oo Ka Hadlay Doorashada Koonfur Galbeed Baaqna Diray 29/08/2018 Shabaabta Gobolka Hiiraan oo gacanta ka gooyay nin dhalinyaro ah 03/12/2016 Maamulka Puntland oo ambabixisay qaar kamid ah dadkii laga soo barakiciyey Laascaanood 06/10/2021 Dhageyso:-Habeenkii 2 aad ee Tartan aqoonedka bisha barakeysan ee Ramadhaan 15/04/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.