Madahweynaha Dowlad Goboledka Koonfur Galbed Soomaaliya Mudane Abdi asis Hassan Maxamed Lafta Gareen ayaa hooyga uu ka daganyahay Degmada Waajid Ee gobolka Bakool waxa xaley kulan kula qaatey qeebaha kala duwan ee bulshada ku nool Degmada Waajid, sida Odayaasha, Hooyooyinka, dhalinyarada iyo Culmaawudiinka.
Kulanka ayaa looga Hadley sidii wax loogu qaban lahaa baaxiyaha ka jiraa Degmada waana loogu qaadi lahaa aqabahada dhanka Gocdoonka saran guud ahaan Gobolka Bakool oo Muddo ka badan 8sano ay u gocdoosanyihiin Dagaalyahanada Al-Shabaab.
Waziirka wazaarada arimaha gudaha iyo Dowladaha hoose ee Dowlad Goboleka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar Abdi ayaa marka kulanka soo idlaadey warfidiyeenka ugu warbixiyey wixii diirada lagu saarey kulanka.
Socdaalka Madahweyne Lafta Gareen ayaa ah safarkii ugu Horeyey ee uu ku tago Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool isaga oo halkaasna ugu qeyb galey Caleema Saarka Gadoomiyaha Degmada Waajid, iyo u kuurgelida baaxiyaha guud Bulshada ku nool Demada.