Afhayeenka Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal Axmed Safiina ayaa sheegay in guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ay u soo gudbiyeen liiska Shan kursi oo doorashadooda ay ku qabanayaan Magaalooyinka Dhuusamareeb & Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug.
Afhayeenka oo Shir jaraaโid Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay inay u diyaar garooban Beelaha leh iyo Dhaqankooda soo Xulista Ergooyinka Kuraasta Golaha Shacabka.
Waxaa uu uga mahad celiyay Maamulka Galmudug oo noqonaya Maamulkii ugu horreeyay ee qabanaya doorashada Golaha Shacabka, usaga oo rajo ka muujiyay in dhawaan la qabto doorashada Shanta kursi ee Golaha Shacabka.
Maalmaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Galmudug lagu qabto doorashada Shanta Kursi ee Golaha Shacbaka, waxaana tallaabadaasi ay ka dambeysay kadib safar uu Raโiisul Wasaare Rooble uu ku tagay Magaalada Dhuusamareeb.