Ra’iisal Wasaaraha Somaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan Magaalada Djibouti ee Xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu wadaa in uu Magaalada Djibouti kaga qaybgalo shirka sanadlaha ee Machadka Heritage, oo maanta ka furmaya magaaladaasi.
Shirkan oo noqonayo kiisii afaraad ee dalkaasi lagu qabto ayaa waxa uu sanadkan ku soo aadayaa, xilli xaalad ay ka taagan tahay Geeska Afrika.
Sida uu qorshuhu yahay shirka ayaa diiradda lagu saari doonnaa xaaladda gobolka, sida dagaalka ka socda dalka Itoobiya, xiisadda siyaasadeed ee Sudan iyo Somaliya & Kenya oo doorashooyinka ku soo fool leh uu khilaaf hareeyay, lagana cabsi qabo in daruufo keenaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), wafdi ka kala socda Somaliland iyo Kenya ayaa sidoo kale ka qaybgelaya shirkaasi.
Gudoomiyaha Guddiga Sare ee Machadka Heritage, Cabdikariin Xasan Jaamac ayaa sheegay inay doonayaan in la iska wareysto, lana fahmo waxa ka socda sida uu yiri Geeska Afrika
Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo ku wajahan Jamhuuriyadda Jabuuti
previous post