Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa magaalada Nouakchott ee dalka Mauritania uga qeybgalaya kalfadhiga 39-aad ee Shirweynaha Caalamiga ah ee Dacwada, Shareecada Islaamka iyo Siirada Nabiga, kaas oo maanta furmay.
Shirkan oo soconaya muddo saddex maalmood ah waxaa ka qeybgalaya wakiillo ka socda in ka badan 50 dal, iyadoo ay isugu yimaadeen culimo, mas’uuliyiin iyo aqoonyahanno ka kala socda dalal badan.
Ajendaha shirweynaha ayaa diiradda lagu saarayaa barashada iyo faafinta hanuunka laga baranayo Siirada Nabiga (NNKH), iyadoo si gaar ah looga hadlayo tawxiidka, akhlaaqda, saxidda caqiidada iyo sidii mabaadi’daas loogu xoojin lahaa bulshada Muslimiinta.
Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa Soomaaliya ku matalaya madashan caalamiga ah, isagoo ka qeybgalaya doodaha iyo kulamada looga hadlayo arrimaha diinta, dacwada iyo iskaashiga dowladaha iyo hay’adaha Islaamiga ah.
Ka qeybgalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dowladda Federaalka u noqonaya fursad ay ku xoojiso xiriirka ay la leedahay dalalka iyo hay’adaha Islaamiga ah, gaar ahaan dhinacyada diinta, waxbarashada iyo iskaashiga.
Inta uu shirku socdo, Wasiirka ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu kulamo la yeesho mas’uuliyiin iyo wakiillo ka socda dalalka ka qeybgalaya, iyadoo laga wada hadli doono arrimo la xiriira diinta, waxbarashada iyo iskaashiga Islaamiga ah.

