Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Dalka Liibiya Mudane Maxamed Yuunis Al-menfi iyagoo ka wadahadlay xiriirka labada dal.
Kulankan ayaa si weyn diirada loogu saaray sidii xorriyadooda dib ugu heli lahaayeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Liibiya.
Labada dhinac ayaa isla gartat sidii looga wada shaqayn lahaa badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka Liibiya.
Kulankan ayaa la iskula gartay in guddi gaar ah oo ka socda dowlada Soomaaliya ay tagaan dalka Libya si ay u qiimeeyaan xaaladda muwaadiniinta ku xiran dalka Liibiya. Guddiga ayaa u kuurgali doona, kana soo warbixin doona xaaladda nololeed oo ay ku sugan yihiiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u badan dhalinyarada ee ku xiranxabsiyo ku yaal dalka Libya.