Doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ayaa ka dhacaysa maanta magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose,
Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT ayaa soo gaba gabeeyey diiwaan galinta iyo shahaada siinta musharaxiinta u tartamasya lixda kursi ee maanta doorashadeeda lagu qabanayo Kismaayo.
Halkan hoose ka aqriso magacyada mushaaxiinta ku tartamaysa maanta magaalada Kismaayo.
1- HOP-082 waxaa ku tartamaya Siyaad Aadan Iidle iyo Cabdirashiid Jire Qalinle.2- HOP 108 waxaa ku tartamaya Maxamed Cali Cumar iyo Ibraahim Cabdulle Ibraahim
3-HOP 203 oo ay ku tartami doonaan Xamse Cabdi Barre iyo Axmed Maxamed Maxamuud.
4-HOP-113 waxaa ku tartamaya Saynab Cali Muganga iyo Maryan Aweys Jaamac oo ah Wasiirka Dekadaha Soomaaliya.
5- HOP-134 waxaa ku tartamaya Sahra Jaamac Cali iyo Fartuun Axmed Yuusuf
6- HOP-217 waxaa ku tartamaya Xasan Cabdi Ismaaciil Xasan Yare iyo Maxamed Farax Muxumed.
Guud ahaan ammaanka magaalada Kismaayo ayaa la adkeeyay iyadoo la xirey qaar ka mid ah wadooyinka xaafadaha magaalada Kismaayo gaar ahaan kuwa u dhow goobta ay ka dhacayso doorashada.