Baydhabo Somaliya{WMN}- Qarax miino ayaa maanta duhurkii ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, kaasoo lala eegtay gaari uu watay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya.
Qaraxan ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Weydow ee duleedka Muqdisho, waxaana gaariga lala eegtay qaraxa uu ka baxay Muqdisho, kuna sii jeeda deegaanka Ceelasha Biyaha.
Wararka ayaa sheegaya in hal askari uu ku dhintay qaraxaas, halka qof kale oo rayid ahna uu ku dhaawacmay.
Deegaanka Weydow waxaa todobaadyo ka hor qarax miino lagula eegtay Gaari ay la socdeen Ciidamada Amniga, waxaa ku dhintay illaa saddex askari.