Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay uga hadleen arrimo muhiim oo khuseeya xaaladda dalka ,siyaasadda,amniga iyo doorashooyinka dalka.
Golaha ayaa cambaareeyay isku daygii afgambigii fashilmay ee 27ka December lagu soo qaaday Xarunta Gollaha Wasiirada iyo Xafiiska Raโiisul Wasaaraha, iyaga oo muujiyay sida ay uga xun yihiin falkaas.
Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo cidii ku lugta lahayd duullaankii lagu qaaday heyโadaha dastuuriga ee dalka ,isaga oo Raโiisul Wasaaruhu uu soo magacaabi dooni guddi ka kooban 5 xubnood oo baaris dhameystiran ku sameeya sidii ay wax u dhaceen.
Gollaha Wasiirada waxa kale uu ansixiyay Xisaab Xirka miisaaniyadda dowladda ee 2020kii. Waxa kale la ayiday qorshaha sugidda amniga caasimadda oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Amniga Gudaha kaas oo faraya in la sameeyo ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida.
Waxa shirka Gollaha Wasiirada looga mahad celiyay taageerada Xukuumadda ee Beesha Caalamka iyo hogaaminta Raโiisul Wasaaruha ee doorashooyinkia iyo Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka ee uu Raโiisul Wasaaruhu ku dhawaaqay.
Shirka oo uu guddoomiyey Rโiisil Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa kale oo laga hadlay arimaha abaaraha iyo cudurka COVID-19.