Hoos ka dhageyso Warka Subax ee Idaacada Warsan oo aqrinayo Maxamuud Ali Cabdullahi (gaabshaa)
2021
Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku baaqay in laga wada shaqeeyo xasilloonida iyo nabadgelyada Dalka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay dhibaatadii dhacday ee lagu khalkhal gelinayay Ammaanka iyo Nabadda caasimadda, isagoo ku baaqay in cid weliba ay Nabadda ka shaqeyso bulshaduna u turto.
Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa faray ciidamada amniga inay gutaan waajibaadka Qaranka oo ay dhowraan amniga shacabka, kana hortagaan qatar kasta oo dhibaato u keeni karta bulshada Soomaaliyeed.
“Aad baan uga xumahay dhibaatadii lagu khalkhal galiyay amniga Caasimadda. Waxaan aaminsanahay in wadahadalku yahay xalka ugu habboon ee inoo furan, howshaaa oo aan bilaabay guulna ka rajeynayo.Aan ka wada shaqeyno nabadda iyo xasilloonida dalkeenna”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan waxgaradka, culimada, Bulshada rayidka ganacsatads, Haweenka iyo dhallinyarada in laga wada shaqeeyo xasilloonida iyo nabadgelyada Dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa fagaaro ku yaalla degmada Buula Fullaay ee Gobolka Baay waxaa ay xukun kula fuliyeen Nin lagu helay inuu fal kufsi ah u geystay Gabar kamid ah dadka deegaanka.
Al-shabaab ayaa dadweyne farabadan isugu keentay gelinkii dambe ee shalay Goobta, iyaga oo daawanayay xukun Karbaash ah oo lagu fuliyay Max’med C/Caziiz Sheekh Cabdullaahi oo ahaa Wiilka kufsaday gabadha.
Eedeeysane Maxamed Cabdicasiis oo aan horay guur usoo marin ayaa lagu dhuftay 100 Karbaash, kadib markii u qirtay inuu kufsi u geystay Gabar kamid ah dadka deegaanka degmada Buula Fullaay.
Sidoo kale Maxamed oo la sheegay inuu xadgudubka geystay ayaa laga qaaday qaalin Geeli sedax jir ah oo ah Maharka gabadha uu kufsaday, waxaana lagu xukumay in muddo sanad ah laga masaafuriyay deegaankii uu falka ka geystay.
Si kastaba Al-shabaab horey sidaan oo kale xukuno ugu fulisay rag kufsi ka geystay deegaano ay kaga sugan yihiin Gobolada dalka, halka kuwo kalena ku fulisay xukuno kala duwan, kadib markii ay ku heleen dembiyo kala duwan.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed OO kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan la qaatay Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed
Madaxweyne Lafta Gareen ayaa odayaasha Dhaqanka ee Koofur Galbeed kala hadlay xaalada dalka asagoo warbixin guud ka siiyey xaalada guud ee dalka.


Wasaaradda Gargaarka XFS oo saxiixday heshiis ay Soomaaliya uga mid noqoneyso Wadamadda Afrika ee Awoodda u leh yareynta Khataraha Masiibooyinka
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XJFS ayaa saxiixday heshiis ay Soomaaliya uga mid noqoneyso Wadamadda Afrika ee Awoodda u leh yareynta Khataraha Masiibooyinka.
Wasiir Khadiija Diiriye ”Waxaana xarunta Midoowga Afrika (AU) ee Addis-Ababa aan ku saxiixay heshiis ay Soomaaliya uga mid noqoneyso Wadamadda Afrika ee Awoodda u leh yareynta Khataraha Masiibooyinka (African Risk Capacity)”
Soomaaliya waa waddankii 35-aad ee qeyb ka noqda , waana dalkii u horeeyey ee sannadkaan 2021ka kusoo biiray (ARC).”







Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa ku baaqay shir deg deg ah oo xal loogu helayo qalalaasihii ka dhacay Muqdisho.












Boqortooyada Ingiriiska ayaa cunaqabateyn saartay 22 shaqsi oo 14 ka mid ah ay u dhasheen Ruushka, kuna lug lahaa kiisas musuqmaasuq oo ku saabsan nidaamka cusub ee la dagaalanka musuqmaasuqa.
Shakhsiyaadkan ku kala baahsan Koonfur Afrika, Koonfurta Suudaan iyo Latin Amerika ayaa sidoo kale lala beegsaday hakinta hantidoodii iyo xayiraad dhanka safarka.
Xoghayaha arrimaha dibadda Dominic Raab ayaa u sheegay mudanayaasha baarlamaanka UK inay door muhiim ah ka ciyaaraan la dagaalanka musuqmaasuqa.
Wuxuu sidoo kale ku tilmaamay dalka inuu yahay “dheri malab ah” “jilayaasha musuqmaasuqa”.
Nidaamka cusub wuxuu ka dhigan yahay shakhsiyaadka “ku lug leh kiisaska ugu halista badan adduunka ee musuqmaasuqa” mar dambe awood uma yeelan doonaan inay lacagtooda soo mariyaan bangiyada UK ama soo galaan waddanka, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo Sooranka & Horumarinta.
Cunaqabateyn ayaa lagu soo rogay dadka ka yimid lix dal, oo ay ka mid yihiin:
- 14 Ruush ah oo ku lug lahaa khiyaan weyn oo cashuureed oo uu kashifay qareenka, Sergei Magnitsky, oo markii dambe ku dhintay xabsiga
- Saddex ganacsade – oo walaalo ah Ajay, Atul iyo Rajesh Gupta – oo lagu eedeeyay musuqmaasuq ba’an oo ka dhacay Koonfur Afrika
- Ganacsadaha reer Suudaan Ashraf Seed Axmed Xuseen Cali – oo loogu magac daray Al Cardinal – oo lagu eedeeyay lunsashada hantida qaranka ee Koonfurta Suudaan
- Iyo seddex shaqsi oo lagu eedeeyay musuqmaasuq ba’an oo ka dhacay Honduras, Nicaragua iyo Guatemala
Tani waa markii ugu horreysay ee Boqortooyada Midowday ay xayiraad ku soo rogto musuqmaasuq caalamiga ah.
Mareykanka oo markale sheegay in cunaqabateen lagu soo rogi doono madaxda Soomaalida

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay inay walaac xoogan ka muujinayso isku dhacyadii rabshadaha watay ee ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo u dhexeeya ciidanka DFS iyo ciidamo daacad u ah xubnaha mucaaradka.
Wasaarada arrimaha dibada Mareykanka ayaa dhammaan dhinacyada isku haya siyaasada Soomaaliya ugu baaqday in ay is xakameeyaan, islamarkaana si nabad ah ku xalliyaan muranka u dhexeeya.
“Wadahadal iyo is afgarad waa dariiqooyinka kaliya ee lagu xalin karo caqabadaha doorashada, waxaana ku boorineynaa dhinacyada in ay dib u bilaabaan wadahadalada hal mar si loo gaaro wadadii lagu heshiiyey ee horey loogu mari lahaa doorashooyinka degdega ah”ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale dowladda Mareylanka ayaa mar kale madaxda Soomaalida ugu hanjabtay cunaqabatayn iyo xayiraado, haddii laga baaqsan waayo rabshadaha Muqdisho, sida lagu sheegey war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka:
“Mareykanku wuxuu diyaar u yahay inuu tixgaliyo dhamaan aaladaha la heli karo, oo ay ku jiraan cunaqabateynta iyo xaddidaadda fiisaha, si looga jawaabo dadaallada lagu wiiqayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya”-Ayaa lagu War-saxaafadeedka Mareykanka.








