Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan oo Goordhaw Shir’jiraaid ku qabtay Magaalada Baladweyne ayaa Si kulul ugu jawaabay Siyaasin Kasoo horjeestay Ciidamadii Baladweyne Laga dajiyay.
Gudoomiyaha waxaa uu sheegay in ciidanka sababta loo geeyay ay tahay in ay suggaan Amniga gobolka Hiiraan ayna ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Shabaab.
Waxaa uu ugu baaqay siyaasiyiinta kasoo jeedda Hiiraan in aan la siyaasadeyn ciidanka gaaray Beledweyne islamarkaana ay la mid yihiin ciidamada la geeyay magaalooyinka qaar.
“Reysalwasaaruhu waxuu kasoo jeedaa Galmudug Maalin kasto Ciidamo ayey Dowladda ka dajisaa Maalin Golaha Wasiirdda ma fariisin Laakiin Baladweyne waxuu Wasiirdda u shiriyay oo Ciidanka ah Laga Celiyo u dhahayo maqano” ayuu yiri Gudoomiye Jeyte.
Waxaa uu intaasi kusii daray “Hadii Baladweyne Laga wareejiyo Doorshada waxaa iska leh
Masuliyadaas Rooble reer hiiraanow Ogaad Ayuu Warkiisa raaciyay Guddoomiyaha Gobolka”