Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Soomaaliya ayaa Go’aan ka gaaray oo dacwada kuraasta sumadoodu tahay HOP#201 HOP#209 IYO HOP#211, kuwaas oo todobaadkii hore ay guddiga natiijada ku dhawaaqista kuraastaas ay hakiyeen.
Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu soo bandhigay kasoo dacwoodayaasha habka ay u dhacday doorashada kuraastaas, hayeeshee guddiga baaritaan dheer kadib ay go’aan ka gaareen.
Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in Saddexdan kursi doorashadooda loo maray hab waafaqsan heshiiskii doorashada, isla markaana ansax yihiin.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Soomaaliya.